Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xariga ka jaray Dhismaha Isbitaalka cusub Sheekh Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xariga ka jaray Dhismaha Isbitaalka cusub Sheekh Axmed Gabyoow(Sawirro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarig jaray cusbitaalka cusub ee Sheekh Axmed Gabyoow oo laga hirgaliyay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo madaxweynaha ku wehliyay xarig jarka ayaa warbixin ka siiyay dhismaha isbitaalkan iyo marxaladihii uu soo maray, waxa uuna Guudlaawe sheegay in Cadale laga hirgaliyay mashaariic kala duwan.

Cusbitaalkaan oo fulin doona adeegyo caafimaad oo muhiim ah ayaa kaalin muuqda ka qaadan doono daboolida baahiyaha Cafmaad ee degmada, waxa uuna kusoo aaday xali bulshada deegaanadaan ay u qabeen baahi wayn.

Degmada Cadale ayaa horey looga hirgaliyay mashaariic kala duwan ay iska kaashadeen dadka deegaanka, maamulka Hirshabelle iyo dowladda Soomaaliya, waxaana wali degmada ka jirta baahiyo badan ay qabaan dadka ku dhaqan.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Ceeldheer looga Dilay inka badan 100 Askari iyo Maydad lasoo Bandhigay( Sawiro)
Next articleOdayaal dhaqameed caan ah oo labo toddobaad ka badan ku xiran Kismaayo iyo Sababta oo la ogaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here