Home Wararka Somaliya Galmudug Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo WHO oo Maanta yeeshay Kulan Looga Hadlay Wada...

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo WHO oo Maanta yeeshay Kulan Looga Hadlay Wada dhaweynta (Sawiro)

0

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo Hey’adda Caafimaadka Aduunka (WHO),ayaa maanta yeeshay kulan dib u qiimeyn loogu sameynaayey Wadashaqeynta Wasaaradda iyo Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee sanadka sii dhamaanaya(2021),sidoo kalena lagu qorsheynaayey Shaqo howleedka sanadka 2022.

Kulanka Waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Dr.Cabdiweli Cabdullahi Jamac,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr.Cabdiwali Maxamed Axmed ,Agaasime waaxeedyada iyo Madax qaybeedyada Wasaaradda iyo ugu danbeyntii Madax sare oo ka socday Hey’adda Caafimaadka Aduunka .

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo si rasmi ah udaahfuray shirkaan ayaa WHO uga mahadceliyey dadaalkooda ku aadan dhisitaanka nidaamka Caafimaadka ayadoo loo marayo wadashaqeynta Wanaagsan ee Wasaaradda kala dhexeeya.

Wasiirka ayaa dul istaagay arimaha abaaraha saameeyey deegaanada Galmudug ,Cudurada faafa Sida Jadeecada iyo daacuunka iyo baahida loo qabo sara uqaadida adeegyada Caafimaadka.

Hey’adda WHO ayaa bogaadisay wadashaqeynta iyo hiigsiga wanaagsan ee Wasaaradda kala dhexeeya,waxayna balanqaadeen in ay dhankooda ka dardar gelinayaan garab istaaga nidaamka Caafimaadka Galmudug iyo Wasaaradda.

Ugu danbeyn shirkaan ayaa soo saaray Qorshe Howleedka Sanadka 2022 (Work Plan for 2022).

Ad
Previous articleWafdi uu Hogaaminayo Taliyaha Boliiska Soomaaliya oo Jabuuti gaaray (Sawiro)
Next articleMD Ku xigeenka Galmudug oo Xariga ka jaray dhismaha xarunta Wasaarada Deegaanka, Isbadalka iyo Cimilada Galmudug (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here