Home Wararka Maanta Cali Guudlaawe oo Safar Dhulka ah Ku Maraaya Gobihii Alshabaab Laga Saaray...

Cali Guudlaawe oo Safar Dhulka ah Ku Maraaya Gobihii Alshabaab Laga Saaray Ee G.Shabelada Dhexe oo Degaano Hor leh Gaaray(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa socdaal dhulka ah ku gaaray deegaanada quraxmadoobe, Biya cade, Miirtaqwo iyo Ceelbaraf.

Madaxweynaha oo socdaalkaan ay ku wehliyeen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Guuuto Odawaa Yuusuf Raage, iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada isagoo ku bogaadiyay howlaha amniga iyo xaqiijinta amniga deegaanadaan.

Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay Boqolaal ciidamo deegaanka ah oo u soo qalab qaatay ka qeybgalka howlgalada deegaanada Hirshabeelle looga ciribtirayo kooxaha khawaarijta alshabaab waxa uuna faray inay xaqiiyaan nabada deegaanadaan isagoo ku adkeeyay inay baacsadaan haraadiga kooxada khawaarijta ah.

Ad
Previous articleSomalia oo geeska Afrika ku meteleysa shirka caalamiga ah ee GPE (Sawirro)
Next articleDagaal culus oo ka dhacay Gedo kadib markii sarkaal gadooday uu weeraray ciidanka Jubaland iyo Saraakiil Sar sare oo Ku Dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here