Home Wararka Somaliya Sawiro:- Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb

Sawiro:- Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb

0

Madaxweynaha dolad Goboleedka  Jubbaland Axmed Islaam ( Madoobe) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Dhuusamarreeb ee Caasimadda Galmudug, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ka yimid dhinaca Magaalada Kismaayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee Galmudug.

Madaxweynaha dolad Goboleedka  Jubbaland Axmed Islaam ( Madoobe) ayaa Magaalada Dhuusamareeb uga qeyb-geli doona shirka wadatashiga Madaxda dowladda, Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb uu gaaro wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyada oo amniga siwyen loo adkeeyay.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe iyo Siciid Deni oo Ku soo wajahan Dhuusamareeb iyo Waqtiga Shirka Furmaya oo la ogaaday
Next articleDagaal wali ka socda Gobolka Galgaduud iyo Khasaaro laga soo sheegayo Dagaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here