Home Wararka caalamka Mareykanka oo baahiyay Cadeymo Muujinaya in Iiran ka danbeyso Weerarka Bada Oman

Mareykanka oo baahiyay Cadeymo Muujinaya in Iiran ka danbeyso Weerarka Bada Oman

0

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa baahisay sawirro cusub oo ay sheegtay inay caddeymo dheeraad ah u yihiin in Iran ay ka dmabeysay weerar toddobaadkii tagay lagu qaaday laba markab oo saliid siday, kuwaas oo marayey Gacanka Cuman.

Sawirrada ayaa muujinaya wax Mareykanka uu ku sheegay inay yihiin ciidamada Ilaaada Kacaanka Iran oo miino aan qarxin dejinaya markabka Kokuka Courageous oo laga leeyahay dalka Japan.

Mid ka mid ah sawirrada ayaa muujinaya halka miinada looga dhejiyey markabka.

Sawirro kale ayaa sidoo kale muujinaya dalool weyn oo ka muuqda markabka Kokuka Courageous, kaasi oo Pentagon-ka uu sheegay inuu ka dhashay qarax kale.

“Iran ayaa mas’uul ka ah weerarka, sida ay muujinayaan caddeymaha muuqaal iyo deg degta iyo diyaar garowga miinada aan qarxin looga saaray markabka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.

Iran waa ay beenisay inay wax lug ah ku leedahay weerarada lagu qaaday maraakiibta, waxayna eedeymaha noocaas ah ugu yeertay “nacasnimo” iyo “halis.”

Sii-hayaha xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka, Patrick Shanahan ayaa isniintii ku dhowaaqay inuu 1,000 askari oo dheeraad ah u diray Bariga Dhexe, sabab la xiriira wax uu ugu yaaray “ujeedo difaac.”

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here