Home Wararka Maanta Saraakiil Ka Tirsan ahlusuna oo Wali Diidan inay Hubka Wareejiyaan Iyo Xiisad...

Saraakiil Ka Tirsan ahlusuna oo Wali Diidan inay Hubka Wareejiyaan Iyo Xiisad Kale oo Ka Taagan Guriceel

0

Cabdilaahi Cabdi Raage oo ah sarkaal mayal adag oo ka tirsan Ahlusunna ayaa gabi ahaanba diiday inuu dowladda Soomaaliya ku wareejiyo hubka uu haysto.

Sarkaalkan ayaa ku sugan Deegaanka Ilguulle oo hoostagta degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale xogta ayaa sheegaysa in xitaa qabiilkiisa uu ka biyo diiday inuu hubka ku soo wareejiyo qabiilka uu ka dhashay oo ah Jufada Habar,Eji ee Beesha Ceyr.

Wararka ayaa intaa ku daraya in sarkaalka uu wato 2 Cabdi Bile ah iyo ciidamo gaaraya ku dhawaad 30 askari.

Ilo wareedyo ayaa ii sheegay in dowladda Soomaaliya ay Degmada Guriceel keentay ku dhawaad 20 Tikniko iyo ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasi oo loo diyaariyay in ay xoog ugu soo qaadaan hubka uu haysto sarkaalka mayalka adag ee ka tirsan Ahlusunna ee lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Raagge.

Qabiilka uu ka dhashay sarkaalkan ayaa loo qabtay in 48 saac gudahooda uu hubka ku soo wareejiyo sarkaalka, haddii kale ay ciidamo dowladda ay u diyaarsan yihiin in ay awood uga soo qaadaan

Lama oga 48 saac kadib talaabada ay qaadi doonaan DFS iyo qabiilka uu ka dhashay sarkaalka haddii uu ku sii adkeysto go’aankiisa.

Ad
Previous articleSaddex dal oo saameyn ku leh Soomaaliya oo aan weli ka hadlin doorashada Xasan Sheekh
Next articleWar Deg Deg ah: Joe Biden oo Amray In Ciidamada Maraykanka Dib loogu Celiyo Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here