Home Wararka Somaliya Galmudug Horjooge Olol Cali Guuleed iyo Horjoogayaal kale oo Duqayn ka Dhacday Galmudug...

Horjooge Olol Cali Guuleed iyo Horjoogayaal kale oo Duqayn ka Dhacday Galmudug lagu laayay

0

Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal culus oo ay iska kaashaadeen ciidamda Xoogga dalka iyo kuw saaxibada caalamiga ah, kadib markii ay weerar dhanka cirka ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud.

Howlgalkan oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka deegaanka Ceel-La Helay oo ay shalay uun la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa Shabaab, kuna sugnaa halkaasi.

“Howlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo Ciidamada Difaaca Shacabka ayaa lagu dilay saddex horjooge oo mas’uul ka ahaa falalka diinta ka baxsan ee Khawaarijta ka fulin jireen Galmudug” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.

Magacyada saddexda sarkaalka ee duqeynta lagu dilay ayaa lagu kala sheegay Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka jabhadaha Al-Shabaab, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo iyaguna kamid ahaa xubno ay sheegtay inay baadi-goobeysay dowladda dhexe.

“Howlgalka oo ahaa mid si xirfadaysan loo qorsheeyay loona fuliyay waxa uu dhabarka ka jabiyay guud ahaan Khawaarijta gaar ahaan kuwa ku dhuumaalaysanaya Galmudug” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Ad
Previous articleMadaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo Sheegay in Qoor Qoor Alshabaab la Shaqeeyo
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo aadan yabaal kulan kula Qaatay Saraakiisha Hogaaminaysa Dagaalka Alshabaab looga Saraayo Galmudug(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here