Home galmudug Xog Muhiim Ah Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada ee Nairobi oo baaqday

Xog Muhiim Ah Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada ee Nairobi oo baaqday

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Shir madaxda Maamul goboleedyada ku yeelan lahaayeen magaalada Nairobi oo la sheegay inuu dib u dhac ku yimid, iyadoo shirkan qaban qaabadiisa ay aad u socotay maalmihii u dambeeyay.

Sida qorshuhu ahaa waxay eheyd inuu shirka furmo shalay oo Arbaco aheyd, balse waxa uu noqday mid aan qabsoomin, iyadoo aan wali si rasmi ah loo shaacin sababta dhabta ah ee dib u dhaca keenay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shirka u baaqday xiisada siyaadeed ee Baladweyne ka jirto oo Madaxda qaar ku baaqdeen.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo lagu waday inuu gaaro magaalada Nairobi ayaa ka degay magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan, waxaana berri oo Jimco ah la filayaa inuu dib ugu laabto magaalada Garowe.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay ka soo tagay magaalada Nairobi, isagoo ku baxay xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Magaalada Nairobi waxaa haatan ku wada sugan madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Jubaland, iyadoo Axmed Madoobe muddooyinkan uu halkaasi joogay, halka Xaafna uu duhurniamdii shalay gaaray, labadan madaxweyne ayaa ah kuwa sida aadka ah u daneynaya qabsoomida shirkan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here