Home wararka Dalka Dowlada Kenya oo siideysay Aqoon yahay Bur Saliid oo xabsi ugu xirnaa

Dowlada Kenya oo siideysay Aqoon yahay Bur Saliid oo xabsi ugu xirnaa

0

Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa xabsiga xalay kasii daayay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid Bursaliid oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax ka dhiga mid kamid ah Jaamacadaha dalka Kenya.

Ibraahim Bursaliid ayaa maalmo kahor laga soo xiray gurigiisa oo kuyaala magaalada Nairobi, waxaana isaga iyo rag kale lasoo taagay maxkamad kutaala magaalada Nairobi oo iyana amartay in xabsiga lagu sii hayo.

Siyaasiyiin iyo dad kale oo magac leh ayaa dadaal u galay sidii xabsiga looga sii deyn lahaa aqoonyahan Ibraahiim Bursaliid oo ah falanqeeye siyaasada geeska Afrka gaar ahaan tan Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaan wali si rasmi ah u shaacin dambiga loo xiray aqoonyahankan Soomaaliyeed, waxa uuna xarigan kusoo aaday xili Kenya ay bilowday cadaadis ka dhan ah dadka Soomaaliyeed .

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here