Home Wararka Maanta Wafdi ka socda Jarmalka oo Muqdisho soo gaaray lana kulmay Wasiirka Arimaha...

Wafdi ka socda Jarmalka oo Muqdisho soo gaaray lana kulmay Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya {Sawiro}

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa xalay Caasimadda Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka oo ka koobnaa Madaxa Qeybta Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Dr. Thorsten Hutter, oo uu wehelinayay Madaxa Qeybta Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta, Mudane Marcus von Essen.

Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dheef wadaagga ah ee ka dhexeeya labada dal ee dhinacyada iskaashiga, ka wada-shaqaynta amniga, horumarinta iyo maalgashiga, sidoo kale waxaana intii uu kulanku socday lagu lafo-guray xaaladaha guud ee Gobolka Geeska Afrika, geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka iyo la dagaallanka burcad badeedda.

Ad
Previous articleHooya Soomaaliyeed oo gowracday wiil ay dhashay
Next articleMadaxweynaha Farmaajo oo u ambabaxay Wadanka Qadar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here