Home galmudug (Sawiro) Madaxweyne Xaaf oo Dhuusomareeb uga qeyb galay Munaasibada Maalinta ka hortaga...

(Sawiro) Madaxweyne Xaaf oo Dhuusomareeb uga qeyb galay Munaasibada Maalinta ka hortaga Xalufinta Deegaanka

0

Madaxweyne Xaaf oo maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayay Maalinta ka hortaga xaaalufinta Deegaanka. Islamarkaana daah-furay olole-laha Dhiireynta deegaanada Galmudug.

Munaasabaddan waxa soo agaasimay Wasaaradda Daryeelka Deegaanka iyo Bay,ada ee Dowlad Goboleedka Galmudug waxana soo xaadiray xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, iyo sidoo kale maamulka caasimadda & Gobolka iyo qeybaha bulshada.

Madaxweyne Xaaf oo hadaljeedin kasameeyay goobta ayaa ku dheeraaday ahmiyada maalinta Daryeelka deegaanka ee maanta dunida looga dabaaldagayo waxa uuna faray laamaha amniga iney gacan bir ah ku qabtaan cidkasta oo ku howlan nabaadguurinta deegaanka.

Ugu danbeyntii, madaxweynuhu wuxuu tallaalay geedkii ugu horeeyay ee daah-fur u ah olole-laha Dhirreynta Deegaanada Galmudug oo ay hoggaamin doonto wasaarrada Daryeelka Deegaanka si looga samatabaxo xaalufinta deegaanka oo sababay dhibaatooyin xaga cimilada ah.

Mudug24 Dhuusomareeb

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here