Home Wararka Somaliya Puntland Saamaynta Puntland ay Ku Yeelatay Khilaafka Kala dhaxeeya Dowlada Soomaaliya

Saamaynta Puntland ay Ku Yeelatay Khilaafka Kala dhaxeeya Dowlada Soomaaliya

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale war xasaas ah kasoo saartay khilaafka siyaasadeed ee haatan kala dhexeeya Puntland, kaas oo saameeyay wada shaqeyntii labada dhinac oo gebi ahaanba meesha ka baxday.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xasan Xaange oo la hadlay warieyayaasha ayaa faahfaahin ka bixiyay saameynta ka dhalatay khilaafkan, wuxuuna sheegay inuu hor istaagay mashariic muhiim u ahaa shacabka Puntland.

Cabdiqafaar Xaange ayaa soo bandhigay mashaariicda xayirmay kadib khilaafka Muqdisho iyo Garoowe, wuxuuna sheegay inay mid yihiin mashruuca mushaarka macalimiinta, mashruuca Damal Caafimaad, mashruuca Barwaaqo (ex Biyoole), mashruuca kabka miisaaniyadda maamulka iyo mashruuca Tamarta iyo Korontada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mashaariicdaas oo ku kacaya boqolaal milyan oo dollar ay u xayiran yihiin saxiixa madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Deni inuu caqabad ku yahay shacabka Puntland, maadaama ay muhiim u yiihiin dhammaan mashaariicdaas oo ay diyaarisay dowladda dhexe.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in aysan garanayn sababta madaxweyne Deni uu ku hor istaagan yahay in mashaariicdan loo fasaxo dadka reer Puntland.

Cabdiqafaar oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ujeedka madaxweynaha uu yahay inuu gaajo dareensiiyo shacabka, si ay shaqo la’aan u noqday, waa sida uu hadalka u dhigay,

“Deni wuxuu doonayaa inuu reer Puntland gaajeysiiyo oo ay shaqo la’aan uu noqdaan, loona diido inay fekeraan, waana calaamadaha lagu garto dikteetarka shiibka (kaligii-taliska),” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in aan la’isku qadlin khilaafka siyaasiga ee jira iyo waxa danta u ah shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu meeshii ugu hooseysay uu gaaray khilaafka labada dhinac, kadib markii ay Puntland ku dhawaaqday inay aqoonsigii kala laabatay dowladda federaalka, sababo la xiriira meel-marinta wax ka beddelka dastuurka dalka.

Ad
Previous articleLix bil ka dib Israa’iil oo ku hungowday go‘aankeedii ahaa inay dabar jarayso Xamaas?
Next articleMaxay Itoobiya ka tiri go’aankii dowladda Soomaaliya ee qunsuliyadaha Itoobiya?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here