Home galmudug Maxaa ka jira Khilaafka Xaaf iyo Ahlu-suna u dhaxeeya

Maxaa ka jira Khilaafka Xaaf iyo Ahlu-suna u dhaxeeya

0

Warar lagu baahiyay warbaahinta Somalida qaar ayaa lagu sheegay in Khilaaf dhex maray Xaaf iyo ahlu-suna.

Warbaahinta mudug24 ayaa Caawa goor danbe la xiriiray wasiiro ka tirsan Galmudug kuwaasi oo noo xaqiijiyay in uusan waxba ka jirin Khilaafkaasi.

Wasiir Axmed Shire Falagle oo la hadlay mudug24 ayaa intaasi ku daray in aysan Jirin Xataa wax tuhun ah oo muujinaya in Khilaaf uu jiro isla markana la yaabeen warka beenta ee la qoray.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xili warbaahinta qaar ay baahiyeen in Xaaf iyo Ahlu-suna uu khilaaf ka bilowday taasi oo warbaahinta ku raadinayaan lacag ay kaga helaan Shirkada Googelka lakin warbaahinta mudug24 waxaa ka go’an tabinta xaqiiqda taagan.

Wixii ku soo kordha iyo warar dheeraad ah lasoco

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here