Home galmudug Madaxweyne Xaaf oo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug u magacaabay Cabdiraxmaan Cali...

Madaxweyne Xaaf oo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug u magacaabay Cabdiraxmaan Cali Diiriye ( Isxal).

0

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Mudug,isaga oo Gobolkaas u Magacaabay guddoomiye Cusub.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cabdi Rashiid Xaashi Cartan,waxana Gobolka Mudug guddoomiye loogu Magacaabay Cabdiraxmaan Cali Diiriye ( Isxal).

Wareegada laguma xusin waxa sababay in xilka qaadis lagu sameeyo Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug, iyada oo weli uusan ka hadlin gudoomiyihii xilka laga qaaday.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada xilka qaadista iyo Magacaabista.

 

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here