Home Wararka Somaliya Kooxda Shabaab oo la wareegtay Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee Galmudug

Kooxda Shabaab oo la wareegtay Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee Galmudug

0

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay xalay la wareegeen degaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug.

La wareegitaanka Al-Shabaab ee degaanka Bacaadweyne ayaa waaa uu yimid kadib markii habeen ka hor ay degaankaas isaga baxeen Ciidamada dowladda Soomaaliya  oo gacanta ku haayay.

La wareegitaanka Ururka Al-Shabaab ee degaanka Bacaadweyne ayaa waxaa uu saameyn ku yeelan doonaa isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Magaalooyinka, Cadaado, Hobyo iyo Gaalkacyo.

Al-Shabaab ayaa Baraha taageera ee Internet-ka waxaa ay kusoo qoreen inay si nabad ah kula wareegeen degaanka Bacaadweyne, isla markaana xilligan wixii ka dambeeya ay mamuli doonaan, waxaana weli ka hadlin laamaha Amniga Maamulka Galmudug.

Dhowr jeer ayaa degaanka Bacaadweyne waxaa ku dagaalamay Ciidamada dowladda gar ahan qeybta 21aad oo garab ka helayay dadka degaanka iyo Al-Shabaab, taas oo sababtay inay degaankaas la difaaco.

Ad
Previous articleDeg Deg Gudoomiyaha Degmada Xamar jajab oo Goor dhaw La Toogtay.
Next articleAxmed Madoobe oo Sheegay in Farmaajo uu Dalka ku rigay God

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here