Home galmudug Galmudug oo sheegtay in ay wax ka Qabatay Amaanka Gaalkacyo

Galmudug oo sheegtay in ay wax ka Qabatay Amaanka Gaalkacyo

0

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in wax badan ay ka qabteen amniga guud ee magaalada Gaalkacyo, kadib howlgallo ay ka sameeyeen ciidamada ammaanka ee magaaladaasi.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug, C/weli Jaamac Barre ayaa sheegay in maalmihii uu madaxweyne Xaaf ku sugnaa Gaalkacyo ka shaqeeyey arrimo badan.

Wuxuu tilmaamay agaasimaha in ciidamada ammaanka Galmudug io sidoo kale kuwa isku dhafka ah ay ka shaqeeyeen sidii shacabka Gaalkacyo nabad ugu seexan lahaayeen.

“Wax badan ayaa u qabsoomay madaxweynaha, sidaad ogtahay xukuumadda Xaaf waxaa ka go’an wax ka qabashada ammaanka, iyadoo madaxweynaha uu ku guuleystay in Gaalkacyo uu xasiliyo” ayuu yiri C/weli.

Magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe amni ahaan soo hagaageysay, in kastoo mararka qaar magaalada ay ka dhacayeen falal amniga liddi ku ah.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here