Home galmudug Cadaadiska Dowlada ku heyso Maamulka Galmudug oo Jubbland u wareegay

Cadaadiska Dowlada ku heyso Maamulka Galmudug oo Jubbland u wareegay

0

Dowlada Federaalka Somaliya ayaa sanadkii ugu danbeeyay cadaadis xoogan ku heysay Maamulka Galmudug kaasi oo ku saabsanaa Qorshaha dowlada ee ah in xaaf meesha ka baxo.

Cadaadis ayaa keenay in Madaxda Dowlada iyo Galmudug uu khilaaf xoogan dhex maro isla makana Galmudug labo dhinac u kala jabto taasi oo lagu guuleysan sidii laga lahaa kadib markii Dowlada wali aqoonsantahay Madaxweyne Xaaf.

Wararka laga helayo dhanka Dowlada ee Mudug24 heleyso ayaa tilaamaya in Cadaadiska Dowlada ku heysay Galmudug uu u wareegay dhanka maamulka Jubbland oo hada la saaray cadaadiskii ugu xooganaa.

Xildhibaabo ka tirsan Jubbland ee ku abtirsada Beelaha Jubbland ayaa gaaray caasimada Muqdisho halkaasi oo looga yeeray waxana ay la kulmeen madaxweyne Farmaajo.

Sababaha loogu yeeray ayaa ah in ay soo dhowdahay doorashada Jubbland si xildhibaanada looga iibiyo fakarka dowlada Somaliya.

lama oga xiliga uu dib u soo laabanayo cadaadiska iyo qorshaha dowlada lakin waxa muuqata in dowlada wali ku adkeesanayo go’anka ah in doorasho ka dhacdo Galmudug.

Mudug24 Muqdisho

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here