Home Wararka Maanta Dad Somaaliyeed oo laga Soo Daad Gureeyey Colaada Suudaan oo Muqdisho Xili...

Dad Somaaliyeed oo laga Soo Daad Gureeyey Colaada Suudaan oo Muqdisho Xili Habeen ah laga Soo Dajiyay(Sawiro)

0

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Huruuse oo ay wehliyaan Wasiirka Gaadiidka, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Xoghayaha   Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo galootiga ayaa soo dhoweeyay 93 ruux oo ka mid ah muwaadiniinta dowladdu ka soo celisay dalka Sudan.

Muwaadiniintan ayaa diyaarad gaar ah oo ka soo qaaday dalka Koonfurta Suudaan waxaa caawa laga soo dejiyay garoonka doyaaraha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Tirada guud ee galabta iyo caawa dalka dib loogu soo celiyay ayaa waaxa ay gaarayaan 230 qof oo isugu jira haween, carruur iyo dad dhalinyaro ah, kuwaasi oo ka soo barakacay dalka Suudaan.

Waa dayuuradii labaad ee maanta Muqdisho ka soo dejisa ad Soomaaliyeed oo ka soo qaxay dagaalada Suudaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan soo galootiga ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyay 73-qof maanta, dayuurada ayaa sidoo kale 64-qof oo ka soo jeeda degaanada Puntland ka dejisay magaalada Garoowe.

 

 

Ad
Previous articleHorjoogayaal Al-Shabaab ah oo lagu soo Qabtay Deegaano Ka Tirsan Galmudug oo uu ku jiro Maxamuud Calasoow
Next articleMadaxweynaha 20 sano kaddib doonaya inuu xukunka sii hayo oo loollan adag la kulmaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here