Home Wararka Caalamka Dowlada Ka tirsan Yurub lacag ku bixinaya in ay tahriibayaasha si nabad...

Dowlada Ka tirsan Yurub lacag ku bixinaya in ay tahriibayaasha si nabad ah kusoo galaan !

0

Dowladda UK ayaa shirkad qandaraasyada ka shaqeysa u kireysatay si ugu soo tallaabiso dadka tahriibeyaasha ah ee isku dayaya in ay doomaha uga soo gudbaan badda English Channel.

Muddo lix bil ah ayay shirkaddaas dowladda u qaban doontaa shaqadan oo lagu siinayo lacag dhan labo milyan oo gini.

Warka ku saabsan heshiiskan waxaa shaaciyay wargayska Guardian, balse faahfaahinta ayaa lagu daabacay bogga rasmiga ah ee dowladda UK.

Waxaa lasoo tebiyay in wasaaradda Arrimaha Gudaha ay tallaabadan qaadday kaddib markii ay soo baxeen xiisado la xiriira in ciidamada badda ay xilli kasta ku khasbanaadaan inay soo badbaadiyaan tahriibeyaasha doomaha saaran.

Sida ku xusan qandaraaska faahfaahintiisa lagu soo bandhigay bogga internet-ka ee dowladda UK, saddex markab oo ay leedahay shirkadda Aeolian ayaa kormeer ka samayn doona biyaha, mid walbana waxa uu shaqayn doonaa 12 saacadood.

Shaqada maraakiibtaas ayaa ah in ay raadiyaan doomaha tahriibeyaasha marka ay arkaan ama lagu soo wargeliyana ay kasoo kaxayn doonaan dadka, si ay u geeyaan gudaha UK.

Doomaha loogu safro baddaas, oo sida caadiga ah loogu talagalay inay qaadaan 12 ruux oo rakaab ah iyo 3 shaqaale ah ayaa mararka qaar lasoo saaraa ilaa 100 qof oo tahriibeyaal ah.

Dadka ay maraakiibta soo badbaadiyaan ayaa la geyn doonaa xarumaha lagu qaabilo dadka soo galootiga ah ee dekedda Dover.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in ay tababarayaan shaqaale xirfado gaar ah la barayo, isla markaana ay diyaarinayaan doomo qaadi kara 100 qof, 12 ciidanka ilaalada xeebta ah iyo saddex shaqaalaha doonta ah.

Inkastoo dowladda UK ay ku dhawaaqday inay dadka magangalyo-doonka ah u direyso waddanka Rwanda, haddana waxaa bilihii lasoo dhaafay si aad ah u sii kordhay tirada dadka ka gudbaya badda English Channel.

Diyaarad qaadi rabtay 7 qof oo noqon lahaa soo-galootigii ugu horreeyay ee loo qaado Rwanda ayaa la baajiyay daqiiqaddii ugu dambaysay kaddib markii ay go’aan lagu joojinayo soo saartay Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub.

Sida ay muujiyeen tirakoobyada laga soo xigtay Wasaaradda Gaashaandhigga UK, bishii July oo keliya waxaa UK u gudbay 3,683 qof oo ka tagay Faransiiska, kuwaasoo dhammaantood ka tallaabay biyaha English Channel.

Tan iyo billowgii sanadkan, tirada tahriibeyaasha ayaa gaartay 17,000 oo qof.

Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa aaminsan in tiradan ay gaari karto ilaa 60,000 dabayaaqada sanadka, waana labanlaabka tiradii sanadkii hore.

Badda English Channel waa mid ka mid ah marinnada ugu halista badan caalamka, waxaana si joogto ah uga dhaca shilal dhimasho badan sababa.

Bishii November ee sanadkii 2021, 30 qof oo saarnaa doon wadday 32 ruux ayaa ku dhintay biyahan, waxayna taasi noqotay tiradii ugu badnayd ee hal shil ku dhintay.

Ad
Previous articleMassuul ka Tirsanaa Gobalka Banaadir oo Goordhow Qarax la gudilay
Next articleDowladda Soomaaliya oo kulan Xasaasi ah la Qaadatay Hey’adda Caalamiga ee Nabad dhiska (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here