Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Rooble oo Shir Deg deg ah isugu yeeray Madaxda Maamul...

Ra’isul Wasaare Rooble oo Shir Deg deg ah isugu yeeray Madaxda Maamul Gobaleedyada dalka

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa waxa uu shir guddoomiyay kulan ku qabsoomay habka fogaan aragga kaas oo ay ka qeyb galeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista soo socota oo ku beegan 19ka bishan Ogoosto, kaas oo diiradda lagu saari doono u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay Dowlad Goboleeyada in ay dardar galiyaan hirgalinta doorashooyinka Aqalka Sare si looga baaqsado dib u dhac loona gaaro jadawalka doorashooyinka.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo La wareegtay Gaadiid Nuuca Dagaalka ah (Sawiro)
Next articleGalmudug ” dad Xoola dhaqata ah oo Maanta xoola ay kala haysteen dib La isugu caliyay (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here