Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Sacuudiga oo Shaaciyay Maalinta Ay tahay Ciida

WAR DEG DEG AH: Sacuudiga oo Shaaciyay Maalinta Ay tahay Ciida

0

Boqortooyada Sacuudiga ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday in maalinta berri oo ah Jimce ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal iyo Ciidul-Fadriga.

Guddiga aragtida dayaxa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in baaristii la sameeyey Khamiista maanta lagu ogaaday in ay dhalatay bisha Shawaal.

“Bisha Shawaal 1444 ayaa maanta laga arkay Tumair iyo Sudayr ka dibna berri oo Jimco ah, 21-ka April 2023 waa maalinta Ciidul Fidriga,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Xaramka.

Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda diinta iyo awqaafta oo iyadu inta badan raacda Sacuudiga ayaa sidoo kale la filayaa in goordhow ay bulshada Soomaaliyeed ugu bushaareyso bilashada bisha Shawaal iyo CIidul-Fidriga.

Ad
Previous articleHaweeneey Xaday Cunug umul ahaa oo Muqdisho lagu Qabtay
Next articleTodobo Qof oo Soomaali ah oo lasoo Taagay Maxkamad Ku Taala Dalka Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here