Home Wararka Maanta Cabdiraxman Cabdishakuur oo Baaq Xasaasi ah u Diray Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh

Cabdiraxman Cabdishakuur oo Baaq Xasaasi ah u Diray Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Ergayga madaxweynaha Soomaaliya uqaabilsan arrimaha abaaraha  ayaa ku baaqay in hoos loo dhigo xuska maalmaha xorriyada dalka isagoo taas sabab u dhigay inuu dalka ku jiro xaalad aan mudnayn dabaal deg.

Ergayga madaxweynaha Soomaaliya uqaabilsan arrimaha abaaraha oo ka qeyb galayay barnaamij dood wadaag ah ayaa sheegay in loo baahan yahay in indhaha bulshada lagu jeediyo arrimaha abaaraha halkii lagu mashquuli lahaa xuska xurriyada.

Cabdiraxmaan ayaa xusay in haddii aan la iska dhaafi karin xuska maalmahaas ay tahay in loo sameeyo sida ugu fudud iyadoo la tixgelina\yo duruufaha uu dalka ku jiro aysana suuragal aheyn in  Soomaaliya oo dadkeedu gaajaysan yihiin in aanay u dabaal degto wax la yiraahdo xorriyad.

“ Waa in hoos loo dhigaa debaal degga maalmaha xurriyada sababtoo ah gob ma ahan qof ay dadkiisii Gaajo u dhimanayaan uu u dabaaldago maalmaha xuriyadda” ayuu yiri ergayga abaaraha.

Lama ogo haddii uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud aqbali doono soo jeedinta ergeygiisa u qaabilsan arrimaha abaaraha.

Sannad walba dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale badan ku bixisa xuska sannad guurooyinka maalmaha xurriyada oo kala ah, 26 june oo ah xornimadii gobolada waqooyi iyo kowda Luulyo, xornimada gobolada koonfureed iyo israacii labada gobol.

 

 

Ad
Previous articleKu dhawaad 30 caruur ah oo isbitaal ku yaala Soomaaliya ku geeriyootay
Next articleXog: Madaxweyne Xasan Shiikh Maku Guulaysan Doona Inuu Dib u Fasaxo khaadka Kenya?a

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here