Home Wararka Somaliya Hargeysa: Somaliland oo ka hadashey War kasoo yeeray Madaxweyne Xassan Shiikh

Hargeysa: Somaliland oo ka hadashey War kasoo yeeray Madaxweyne Xassan Shiikh

0

Maamulka Somaliland ayaa beeniyay war kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo sheegay in xilligan magaalada Berbera iyo deegaanno kale oo katirsan Somaliland joogaan saraakiil Itoobiyaan ah oo hirgalinaya heshiiskii Adis Ababa.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa beeniyay warka kasoo yeeray madaxweyne Xasan , waxa uuna xusay in saraakiil Itoobiyaan ah aysan joogin Somaliland ,balse madax iyaga ka socota ay hadda joogaan Adis Ababa , isaga oo intaa raaciyay in Somaliland iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo iskaashi soo jireen ah.

“Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin iskaashi ganacsi, mid amni iyo mid xidhiidh oo muddo soo jiray, wayna ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa arrintaas. Wasiirka Arrimaha dibadda iyo xubna la socda way joogaan Addis Ababa, waxay kala hadlayaan wax badan, waxay kala hadlayaan xiriirka labada dhinac, balse maaha kaliya heshiiska sida dowlada Soomaaliya uun ay uga dhagan tahay ee wax badan ayaan dunida kala hadalnaa” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu arrimaha heshiiskaas is afgaradka ahaa ee ay la galeen Itoobiya u saaray guddi ka kooban 8 xubnood,, kuwaas oo hadda gacanta ku haya qorshaha dhammaystirka is-fahamkaasi.

Waxa uu sheegay wasiirka Warfaafinta Somaliland in dhawaan rejo ka qabaan in la hirgaliyo heshiiskii ay la galeen Itoobiya, waxa uuna xusay in heshiiskaasi dhawaan la horgeyn doono labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland.

“Si fiican ayuu u socdaa, si dhakhso leh ayaa loo gabogabayn doonaa dhawaan waxaana la horgayn doonaa barlamaanka labada gole ee Somalland, sidaas ayuuna dhaqan gal ku noqon doonaa.” ayuu yiri Wasiir Cali Mareyxaan.

Heshiiska ay gaareen Ra’isul Wasaare Abiy iyo Muuse Biixi  ayaa dhigayay in Somaliland xeebteeda 20km oo marin baddeed ah siiso Itoobiya, oo ay ka dhiganayso saldhig millatari, halka Itoobiya dhankeeda ay Somalililand u aqoonsan doonto dowlad madax-bannaan.

Ad
Previous articleItaly: Maxkamada Sare ee Dalkaasi oo kasoo horjeesatay dib u celinta Qaxootiga
Next articleWar Deg Deg ah: Saldhigii ugu waynaa Alshabaab ee Deegaanka Cali Yabaal oo la burburiyay iyo Dagaal Qaraar oo ka socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here