Home Wararka Somaliya Guud ahaan Dunida islaamka oo Maanta si isku mid ah Looga Ciidayo

Guud ahaan Dunida islaamka oo Maanta si isku mid ah Looga Ciidayo

0

Guud ahaan wadamada Islaamka ayaa si weyn ugu dabaal degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa ee sanadkan.

Waxaa saaka masaajidyada iyo fagaarayaasha waaweyn ee wadamada Islaamka iyo dalal badan oo ka le laga tukanaya salaada ciida.

Shacabka muslimiinta ah ayaa isugu hambalyeynaya maalintan qiimaha badan, waxaana qaarkood ay isku booqanayaan guryaha, si ay muujiyaan farxada Ciidul Adxaa.

inku dhow boqol kun oo xujay ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa shalay istaagay Banka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan ee Xajka.

Hase yeeshee tirada sanadkan oo aad uga yareyd marka lala barbardhigo sanadihii hore ayaa waxaa sababay cudurka Covid 19.

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo Shacabka Somaliyed u diray Hambalyada Munaasabada Ciidul adxaa
Next articleDalka Koonfur Africa oo Labo Wiil Walaabo ah midna lagu dilay midna lagu dhaawacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here