Home galmudug Dhageyso Sida Gaalkacyo loogu dilay Nimco Cumar Shire (Xuuray) oo Salaad kasoo...

Dhageyso Sida Gaalkacyo loogu dilay Nimco Cumar Shire (Xuuray) oo Salaad kasoo baxday

0

Wararka laga helayo Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay kooxo dhalinyaro ah ay tooreey ku weerareen mid ka mid ah Gabdhaha ku nool Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magalada Gaalkacyo.

Kooxda ayaa Gabadha oo kasoo baxday Salaada Taraawiixda waxa ay tooreeyda ka geliyeen Dhuunta,waxaana Gabadha oo lagu Magacaabi jiray Nimco Cumar Shire (Xuuray) ay u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray weerarkaas.

Maahan Falkii ugu horeeyay ee Gaalkayco ka dhaca dhawaan ayay aheyd markii gabar yar lagu kufsaday kadibna la dilay marka falkaasi lagu sameeyay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here