Home wararka Dalka Wariye ka tirsan Idaacada Goobjoog oo lagu xiray Muqdisho

Wariye ka tirsan Idaacada Goobjoog oo lagu xiray Muqdisho

0

Wariye Cali Aadan Muumin oo katirsan Wariyaasha ka howlgala Idaacada iyo Telefihinka Goobjoog ayaa saakay lagu xiray xarunta Dambi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay Wariye Cali Aadan ayaa la gaarsiiyay warqad looga dalbanayay in uu yimaado xarunta Dambi baarista si wax looga weediiyo dacwada laga soo gudbiyay.

Wariyaha ayaa la xiray markii uu tagay xarunta Dambi baraita CID-da, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in Wariyahan ay dacwad kasoo gudbisay Wasaarada Waxbarshada.

Ehelada Wariyaha oo tagay xarunta CID-da ayaa sheegay in lagu wargaliyay in wasaarada Waxbarasahada dacwad kusoo oogtay lana filayo in beri oo arbaco ah lasoo taago Maxkamad.

Wariyaha la xiray ayaa kamid ah Wariyaasha wax ku qora baraha bulsgada sidoo kale ka shaqeeya Idaacada iyo Tv-ga Goojoog, Wariyahan ayaana marar badan baahiyay warar aan farxad galin dowlada Soomaaliya.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here