Home galmudug Dhageyso Cali Gacal Casir oo eedeyn u jeediyay Puntland iyo Xisbiyada ka...

Dhageyso Cali Gacal Casir oo eedeyn u jeediyay Puntland iyo Xisbiyada ka jira Dalka

0

Guddoomiyaha baarlamaanka Maamulka Galmudug ee fadhigiisu yahay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa eedeyn kulul uu u jeediyey dowlad goboleedka Puntland iyo qaar ka mid ah Madaxda Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Shir Jaraa’id uu u qabtay Warbaahinta ayuu ku sheegay in Maamulka Puntland iyo qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ay wadaan faragelin ay ku hayaan Siyaasada arrimaha gudaha ee Galmudug,waxaana uu ka dalbaday inay joojiyaan.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in kulan ay yeesheen Xildhibaanada Galmudug iyo guddoonkooda ay soo dhaweeynayaan habraaca doorashada Dowlad goboleedyada oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu sheegay in guddoonka Baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaanada ay dalbanayaan in cidii aan isku soo dhaweyneynin Madaxda Galmudug aysan kala fogeen,isaga oo eedeyn kulul u jeediyey Maamulka Puntland iyo Xisbiyada qaar.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here