Home galmudug Halkuu ka yimid Ninkii isku Qarxin Rabay Guriceel ee la qabtay Maanta...

Halkuu ka yimid Ninkii isku Qarxin Rabay Guriceel ee la qabtay Maanta (Dhageyso)

0

Kadib markii Maanta barqadii degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud lagu qabtay nin doonayay in uu is qarxiyo xilli ay halkaasi Munaasabad ka socotay ayaa waxaa faah faahin ka bixiyay falkaasi Maamulka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf Ibraahim ayaa sheegay in Ninkaasi xilliga la qabanayay uu dalbaday in khudbad gabay ah uu ka jeediyo musaasabada loogu baroor diiqayay askartii ku geeriyootay dagaalkii sanado ka hor  Ahlusuna iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Gobolka Galgaduud,hayeeshee Ciidamada ay ka shakiyeen.

Waxa uu sheegay in hadalkaasi kadib mid ka mid ah askarta uu baaritaano ku sameeyay,kadib markii laga  shakiyey intaasi kadibna lagu arkay waxyaabaha qarxa sidaasina lagu qabtay loogana furfuray qarixii ku xirnaa.

Mar Wasiirka wax laga weeydiiyey halka Ninkaasi uu ka yimid ayuu sheegay in uu ka yimid dhinaca Koonfurta Soomaaliya,balse haatan degmada Guriceel uu kasoo galay dhinaca degmada Ceebuur ee isla Gobolka Galgaduud ,halkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here