Home galmudug Gaalkacyo Wararkii ugu danbeeyay kulamo caawa ka socda una dhaxeya Madaxda Galmudug...

Gaalkacyo Wararkii ugu danbeeyay kulamo caawa ka socda una dhaxeya Madaxda Galmudug iyo Puntland

0

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaa caawa ka socdo kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku wada sugan Magaalada Gaalkacyo.

Kulamaddaan ayaa ah kuwo lagu taageerayo Madaxweynaha Galmudug oo dowladda dhexe ee Soomaaliya kala kulmaya caddaadis Ballaaran oo kaga imaanaya, kuwaasoo ku aadan doorashadda Galmudug.

Qaar ka mid ah Wasiiradda labadda maamul ayaa shirkaan qeyb ka ah, waxaana labadda Maamul ay sheegeen in ay yeesheen Mowqif Siyaasadeed oo Mideysan.

Puntland iyo Galmudug ayaa maanta Warmurtiyeed ay soo saareen ku sheegay in aysan qayb ka ahayn sharciyada Patrolka,Doorashooyinka iyo Canshuuraha isla markaana aysan Qusayn Go’aanada Masiiriga ah ee aan Wada ogolka lagu gaarin.

Mudug24 Gaalkacyo

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here