Home wararka Dalka Qarax labaad oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin laga helayo

Qarax labaad oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin laga helayo

0

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay wadada xiriirisa Ex-Control Afgooye iyo xaafada Xoosh, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan oo wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa lagu bartilmaameedsaday ciidamo booliis ah oo ka agdhawaa halka uu ka dhacay qaraxa miino sida goob joogayaal ku warameen.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxan miino halka uu dhaawac soo gaaray askari katirsan ciidanka booliiska, waxaana qaraxa kadib ciidamada fureen rasaas aan wali la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada booliiska ayaa daqiiqado xiray wadada uu ka dhacay qaraxa miino, waxaana ciidamada howlgal ay ku raadinayeen dadkii qaraxa ka dambeeyay ka sameeyeen aaga uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxan miino ayaa dhacay xili maanta sidoo kale magaalada Muqdisho uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray saraakiil, ciidan iyo waliba dad shacab ah.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here