Home galmudug Madaxweyne Xaaf oo helay taageerada iyo Kalsoonida Shacabka Galmudug

Madaxweyne Xaaf oo helay taageerada iyo Kalsoonida Shacabka Galmudug

0

Khilaafka Xoogan oo u dhaxeeya Dowlada Somaliya iyo Galmudug ayaa noqday tiirka ugu weyn ee shacabka Galmudug ku dhinac istaageen Maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Xaaf oo siyaasad ahaan markii hore laga soo horjeeday.

Madaxweyne Xaaf oo dhoor jeer warbaahinta lasoo fadhiistay hadalo adag ayaa dowlada somaliya ku dhaliilay sida ay kaga soo horjeedo Hormarka Galmudug.

Shacabka Galmudug ee ku sugan Deegaanada Galmudug oo la hadlay warbaahinta Dowlada Goboleeda Galmudug ayaa sheegay in Shacabka ay taageersanyihiin Maamulkooda.

Madaxweyne Xaaf ayaa dhanka kale waxa uu heesta taageerada Jaaliyada Galmudug ee Dibada kuwaasi oo siyaasada somaliya meel adag kaga jira.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug ee ku jira Dowlada Somaliya ayaa kamid ah kuwa taageeray Madaxweyne Xaaf oo dagaal adag kula jira Dowlada Somaliya oo kasoo horjeeda Galmudug iyo Xaaf.

Siyaasiyiinta ayaana badankooda diiday in ay ku lugyeeshaan wax walbo oo lagu cadaadinayo Maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Xaaf oo hada u muuqda mid dowlada kaga adkaanaya siyaasada adag ee uu kaga soo horjeeda.

Mudug24 Muqdisho

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here