Home wararka Dalka Gaalkacyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo kulamo gooni gooni ah ka wada

Gaalkacyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo kulamo gooni gooni ah ka wada

0

Madxaweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Gaalkacyo kulan kula qaatay guddiga Amniga Gobolka Mudug.

Kulanka oo ay kasoo qayb-galeen qaarkamid ah Goleyaasha  Puntland ayaa waxaa ka warbixiyey Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dirir

“Waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu shir la qaatay madaxda gobolka Mudug saraakiisha iyo maamulkaba waxaa looga wadahadlay sidii looga wada-shaqayn lahaa amniga guud ee gobolka, si wanaagsanna looga shaqayn lahaa xasiloonida iyo horumarka, kulankuna waxaa uu ku soo dhammaaday Guul.

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka dhabaynaya balanqaadkii dowladda ee ahaa in ahmiyadda koowaad, labaad iyo sadexaadba lasiiyo arrimaha Amniga dalka ayaa inta uu ku sugan yahay gobolka Mudug, gaar ahaan Gaalkacayo waxa uu kulamo noocanoo kale ah la qaadandoona qaybaha kale ee bulshada.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here