Home wararka Dalka Wasiir Goodax ”Imtixaanada ka socda Deegaanada Puntland oo mid fashilmay”

Wasiir Goodax ”Imtixaanada ka socda Deegaanada Puntland oo mid fashilmay”

0

Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Jowhar ayaa sheegay in imtixaanka maanta ka bilowday degaanada maamulka Puntland uu fashilmay.

“Imtixaan waa fashilmaa,saacadaan la joogo Puntland imtixaan ay qaadeysay wuu fashilmay,wadamada deriska nala ah waa ka fashilmay.”ayuu yiri Goodax Barre.

Waxaan uu sheegay Bahda waxbarashadda Hirshabeelle in laga doonaayo in ay raacaan Awaamiirta Wasaaradda waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya.

Kulamo ayaa uu wasiirka waxbarashada Goodax Barre uu weli la yeelanayaa qeybaha kala duwan ee waxbarashada dowlad goboleedka Hirshabelle iyadoo aysan weli ardayda ku nool Hirshabelle ogolaan inay u fariistaan imxitaanka ku celiska ah dhamaadka bishan.

Dowladda Soomaaliya ayaa qiil u raadinaysa Fashilka soo wajahay wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya ee ahaa in Ardayda ay heeleen dhammaan Maadooyinkii ay galaayeen.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here