Home Wararka Maanta Gaari ay la socdeen mas’uuliyiin ka Tirsan Hirshabeele oo lagu qarxiyay duleedka...

Gaari ay la socdeen mas’uuliyiin ka Tirsan Hirshabeele oo lagu qarxiyay duleedka Jowhar

0

Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in maanta qarax miino lala beegsaday gaari NOAH ah oo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle, xilli uu marayey duleedka magaalada Jowhar.

Qaraxa oo ahaa mi culus ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Xaanshooley oo u dhow magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle, waxaana ka dhashay dhimasho & dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan qaraxa ah ku dhintay ugu yaraan 1 askari, ayada oo ay ku dhaawacmeen 3 qof oo kale oo ka mid ahaa dadkii la socday baabuurka la qarxiyay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in bartilmaameedka weerarkan uu ahaa maareeye ku xigeenka garoonka diyaaradaha Jowhar, Mahad Muxidiin Calasow iyo taliyaha saldhigga Booliska Garoonka magaaladaasi, Kabtan Muuse oo labaduba ay dhaawacyo soo gaareen.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgallo ka bilaabay duleedka magaaladaasi, si ay u baadi goobaan xubnihii ka dambeeyay qaraxaasi.

Dhinaca kale wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in bartilmaameedka weerarkan uu ahaa maareeye ku xigeenka garoonka Jowhar iyo taliyaha saldhigga magaaladaasi, kuwaas oo daqiiqado kahor meesha maray, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Jowhar iyo naxaawigeeda ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro dhabagal ah oo ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa safareyda.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa haatan kusoo aadayo, ayada Al-Shabaab inta ugu badan laga qabsaday degaanadii ay kaga sugnaayeen gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana ugu dambeysay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhig weyn.

Ad
Previous articleKenya Oo Adkeysay Xadka Soomaaliya ay lawadaagtay kadib Cabsi Xoogan oo soo Wajahday
Next articleMadaxweyne Guudlaawe oo booqday Deegaano Al Shabaab laga saaray oo Dad Badan looga Dilay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here