Home galmudug Faahfaahin Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo wali ku suga Caasimada Nairobi

Faahfaahin Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo wali ku suga Caasimada Nairobi

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku sugan Caasimada Dalka Kenya halkaasi oo Madaxweynaha ka wado kulamo.

Xaaf ayaa kulamo hoose la qaatay Madax ka socota Beesha Caalamka isagoo kala hadlay Xaalada Galmudug ee xiligan iyo sidii loo gaarsiin lahaa caawinaad Madama Dowlada aysan bixin lacagihii Galmudug loo qorsheeyay.

Xaaf ayaa dhanka kale Nairobi u jooga Hawlo ganacsi oo u qaas ah isaga isagoo Safaradiisa ugu danbeeyay uu ku tagay Nairobi.

Dhanka Arimaha Khilaafka Dowlada ayaanan wali waxba iska badalin Madama ay Dowlada ku adkaatay in Meesha Ka Saarto Xaaf oo Awood ahaan u muuqda mid dowlada dagaal adag la galay.

Madaxweyne Xaaf ayaa wali ku adkeesanaya in uu dhameesto mudo xileedkiisa Halka Dowlada ay kasoo horjeedo arinkaasi mana muuqato waan waan soco xiligan.

Mudug24 Nairobi

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here