Home wararka Dalka Magaca Wiil dhalinyaro ah oo Xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho

Magaca Wiil dhalinyaro ah oo Xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho

0

Kooxo ku Hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay  Wiil Dhalinayara ah oo lagu Magacaabo Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed waxa ay ku dileen degmada Karaan ee Gobolka Banaadir.

Dilka Wiilka Dhalinayarada ah ayaa waxa uu ka dhacay Agagaarka Bosteejadda Kaaraan,waxaana la tilmaamay in dilka Wiilka Dhalinyarada ah ay ka dambeyeen Rag ku Hubeysnaa Bastoolado oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Dhanka kale Wararka qaar ayaa sheegaya in Wiilka Dhalinayarada ah ee la dilay uu lahaa goob timo jaro ah oo halkaasi ku taalla, islamarkaana uu ka mid ahaa dhalinyaradda Firfircoon ee sidda weyn looga yaqaano degmada Kaaraan.

Ciidamada Ammaanka ayaa tagay Goobta uu dilku ka dhacay  waxaana ay halkaasi ka sameyeen Baaritaan.

Qaar ka mid ah dhalinyaradda degmada Kaaraan ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in gacanta lagu soo dhiggo Kooxihii ka dambeeyay dilka wiilkaasi dhalinyaradda ah.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here