Home galmudug Galmudug oo sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu maamul kale ka dhinac dhisayo...

Galmudug oo sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu maamul kale ka dhinac dhisayo Galmudug

0

Soomaaliya iyo maamul goboleedka Galmudug.

Arrintan ayaa cirka isku sii shareertay markii uu dhawaan fashilmay shirkii ay madaxda Federaalka iyo maamul goboleedyada ku yeesheen magaalada Garowe.

Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan Masaga waa oo galabta ka qyab galayay Barnaamjika Doodda, waxay ila tahay ee BBC-da waxaa uu ku eedayay Dowladda Soomalaiya in ay mashquul ku tahay in maamul kale ay ka sameeyso galmudug isaga oo intaas ku darayin sidoo kale ay dhaqaalihiina ka goosatay.

“Galmudug shirka waxay hor dhigtay warqad qoraal ah oo ay uga hadleyso aragtideeda iyo mowqifkeeda, kadib markii dhowr jeer lagu celceliyay waxba waxba kasoo bixi waayee. Qodobadaas waxaa ugu muhiimsanaa in la ixtiraamo heshiiskii Jabuuti iyo natiijooyinkii kasoo baxay, kaasoo ay ku midoobeen kuna heshiisyeen labadii maamul ee Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, taasoo micnaheedu uu ahaa in la isku daro labadii dastuur iyo labadii Baarlamaan. Midda kale in madaxda dowladda Federaalku inay faragalinta ka daayaan arrimaha hoose ee Galmudug, oo aad wada ogtihiin inay aad ugu mashquulsan yihiin inay dowlad labaad ka sameeyaan meel kamid ah Galmudug dhexdeeda iyo in ugu dambeyn ay fasaxaan dhaqaalaha ka xayiran Galmudug”, ayuu yidhi Wasiir Masaga Waa.

Dhanka kale, wasiiraka Warfaafinta Dolwadda Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir maareeye oo isna ka qayb galayay isla barnamaijka dooda jimcaha ee bbc-da oo ka jawaabayay eedayntaas ayaa waxaa uu yirdhi: “Heshiiska Jabuuti waxaa la galay dabayaaqadii 2017-kii, iyadoo markaas Galmudug ay u dhiman tahay 2 sano iyo badh, mana jirin waq muddo kordhin ah oo ku xusnaa, xilligii horay u qorsheysnaa ayaa lagu heshiiyay, taasaana dowladdu ay aqoonsatay ee ma aysan aqoonsanin in halkaas muddo kordhin laga sameeyo”.

Maareeye oo ka hadlayay eedeynta ku saabsan in dhaqaalihii Galmudug ay xannibtay ayaa yidhi: “Dowladdu dhaqaalaha Galmudug iyo maamullada kaleba way siin jirtay walina way siisaa, laakiin maamulka Galmudug wuu kala qeybsan yahay oo guddoomiyihii baarlamaanka iyo xildhibaannadii nus kamid ah iyo madaxweyne ku xigeenkii ay meel fadhiyaan, madaxweynihii iyo madixii dowladduna ay meel fadhiyaan, kulligoodna waxay soo wacayaan dowladdii dhexe oo ay ku leeyihiin noosoo dira dhaqaalihii, marka looma diri karo, waxayna dowladdu ka shaqeyneysay inay heshiiyaan”.

Hadallada kulkulul ayaa horay waxaa hadawada isugu mariyay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here