Home Wararka Somaliya Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo maanta la wareegay Deegaano ay shabaabka...

Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo maanta la wareegay Deegaano ay shabaabka heesteen

0

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa galabta weerar qorshaysan ku qaaday Fariisimo Al shabaab ku lahaayeen degaanka Shabeeloow ee Koonfurta Gobolka Mudug sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Ciidamada ayaa la wareegay saldhigyadii Al shabaab ee deegaankaas, waxaana halkaas khasaare lagu gaarsiiyay kooxdas sida ay sheegeen saraakiisha hogaamineysa howlgalka.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa howlgal balaaran oo ka dhan ah Al shabaab ka wada Koonfurta Gobolka Mudug, iyadoo ciidamadu la wareegeen Xarumo iyo degaano badan oo Al-shabaab gacanta ugu jiray.

Ciidamada huwanta oo dhinaca cirka uu ka taageerayey Maraykanka ayaa qabsaday maalmihii la soo dhaafay degaano ay ka mid yihiin Camaara, bacaadweyn, Qeycad iyo meelo kale.

Ad
Previous articleMaxuu yahay Hadalka kasoo yeeray Ilhaan Cumar ee ku aadan Duqeynta Galmudug
Next articleHabraaca Loo Marayo Xalinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka sare oo La shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here