Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka Waraysatay Xaladooda Ciidamada Wali ku maqan Dalka...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka Waraysatay Xaladooda Ciidamada Wali ku maqan Dalka Eriteeriya

0

Madaxweynaha ayaa u kuur-galay xaaladda nololeed ee dhilinyaradaan, wuxuuna uga warbixiyay xaaladda dalka iyo guulaha dhammeystirka u baahan ee shacabka iyo ciidanka xoogga Soomaaliya ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qaar ka mid ah dhalinyaradaan si hoose u wareystay, isagoo weydiinaya magacooda, da’dooda, xaaladda ay ku sugan yihiin iyo deegaanada ay Soomaaliya uga noolaa jireen.

Daahir Cabdinuur Xuseen ayaa ku jiray dhalinyarada uu sida tooska ah u wareystay madaxweyne Xasan Sheekh, Daahir wuxuu sheegay inuu jiro 20 sano, madaxweynaha ayaa weydiiyey gobolka u uku dhashay, wuxuuna Daahir sheegay inuu ku dhashay Sh/Hoose.

“Waxaan diyaar u ahay inaan difaaco dalkeyga,” ayuu yiri Daahir Cabdinuur mar uu salaamayey madaxweynaha.

Dhalinyaradaan ayaa dalka Eritrea tababar ugu maqan mudo ku dhow afar sano, waana markii labaad oo madaxweyne Xasan Sheekh u uku booqday xeryaha lagu tababaro.

Waxaa socda qorshe la doonayo in ciidankaan dalka loogu soo celiyo oo dowladda Soomaaliya ay wado, laakiin ilaa hadda dowladdu ma shaacin waqtiga kama dambeysta ah ee ciidankaan dalka lagu soo celinayo.

Ad
Previous articleWasiir Fiqi oo si adag uga jawaabay weerarkii uu Cali Yare ku qaaday ganacsatada
Next articleCiidamada Amniga oo ka digtay Qaraxyo kusoo wajahan Muqdisho, soona jeedisay shan qodob

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here