Home wararka Dalka Sawiro dheeraad ah Qarax ismiidaan ah oo maanta ka dhacay Xaruunta Degmada...

Sawiro dheeraad ah Qarax ismiidaan ah oo maanta ka dhacay Xaruunta Degmada Wardhiigley (Sawiro)

2

Waxaa maanta qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray xarunta degmada Wardhiigley, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka yimid aag aan laga fileyn, waxa uuna gaariga ku qarxay albaabka laga galo xarunta Degmada Wardhiigley.

Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen labo qof sidoo kale ay ku dhaawacmeen tiro kale, waxaana dadka qaraxa ku dhaawacmay ku jira Xoghayihii Degmada Wardhiigley Cali Aadan.

Qaraxa ayaa bur bur xoogan gaarsiiyay qeybo badan oo kamid ah xarunta degmada Wardhiigley, waxaana la arkayay xafiisyada maamulka , garoonka salaxa iyo qeybo kale oo xarunta kamid ah oo aad u bur buray.

10 ku laabo mudug24 xiriir

2 COMMENTS

  1. Al-shabaab gaba gabeyntooda iyo gunaanidooda miyeysan ahayn in gunta (dhexda ) loo wada xirto ( Dowladd iyo Shacab), lana soo gabagabeeyo gardaradoodda.

    Magacaga cusub ee Al-shabaab waa Qasaaro Team. Wax iney haleeyaan mooyaan waxna ma wanaajiyaan, iney wax dumiyaan mooyaane waxna ma dhisaan… Sidaasi darteed magaca cusub ee ururkaani sharta la soo taagan uu ku caan baxay waa Qasaaro Team ama ( kooxda qasaaro, dhal Qasaaro ).

    Ururkaani waxa uu marayaa xaaladiisii meeshii ugu dambeysay oo ah aan wada hoogno, halaagsano halna yuusan inaga harin.
    Dowladda waa iney baartiaan sameysaa, soona qabataa dambiilayaasha ka dambeeyey weerarkiisa waxuushnimadda leh. Si Sharciga loola tiigsado – insha allah.

    Alle naxariistiisa janno ha ka waraabiyo dhamaan Shacabkii ay waxyeeladda ka soo gaartey, kuna naf waayay weerarkaasi bahalnimadda leh, intii uu dhaawac ka soo gaareyna alle ha u dhayo boogahoodda – Aamiin yaa rabbi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here