Home Wararka Somaliya Sawiro: Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho Saaka oo Faahfaahin laga helayo

Sawiro: Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho Saaka oo Faahfaahin laga helayo

0

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa saakay ka dhacay agagaarka Dugsi sare Banaadir ee magaalada Muqdisho ,waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la dhigay afaafka hore ee Dugsiga Macaasiir oo kuyaala kasoo horjeeda Dugsi sare ee Banaadir , waxaana gaarigaasi lala beegsaday kolonyo katirsan ciidamada AMISOM.

Qaraxan waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana goobta ka qaaday dadka waxyeelada kasoo gaartay gaadiidka gurmadka deg dega.

Iskuulka Macaasiir ayaa qaraxan waxaa kasoo gaaray bur bur xoogan oo gaaray dhismaha iskuulka iyo sidoo kale gaadiidka iskuulkaasi, waxaana xusid mudan in maanta uu iskuulka aysan arday badan joogin maadaam ay khamiis aheyd.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa baaritaano kuwada qaraxan xoogan ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay , waxaana la filayaa in baaris kadib in war laga soo saaro qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay.

Ad
Previous articleBoliiska Soomaaliya oo Ka hadlay Qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho
Next articleDoorashada Kursiga Yaasiin Farey oo Dhuusamareeb ka socota

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here