Home wararka Dalka Dowlada Somaliya oo joojisay imtixaanka dugsiyada sare ee ka socday Dalka (Dhageyso)

Dowlada Somaliya oo joojisay imtixaanka dugsiyada sare ee ka socday Dalka (Dhageyso)

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caawa ku dhawaaqday iney joojisay imtixaankii Shahaadiga Dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedka 2018-2019-ka

Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo muddo saddex maalmood ah uu socday imtixaanka, ayna arday ka badan 30-kun oo qof galeen maadooyin fara badan, waxaana dhacday in imtixaanka suuqa laga helay, laguna faafiyey baraha bulshada, taasoo fadeexad iyo weji gabax ku abuurtay Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka cusub ee shahaadiga Dugsiyada Sare ee dalka la qaadi doono laba bilaabo 27-31 Bisha May 2019.

Wasiirka ayaa sheegay in goob ka mida meelihii imtixaanka lagu qaadayey ay go’aansatay inay fashiliso, wuxuu ku eedeeyay waalidiin iibsaday imtixaanka iyo dad kale oo ka qeyb qaatay faashilinta imtixaankan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here