Home puntland Aabaha dhalay Caaisho ilyaas Aadan oo ka hadlay Xukuno lagu riday ragii...

Aabaha dhalay Caaisho ilyaas Aadan oo ka hadlay Xukuno lagu riday ragii kufsaday Gadhiisa (Dhageyso)

0

Maxkamada derejeda 1aad ee gobolka nugaal ayaa maanta go’aan ka gaartay 10 nin oo ku eedaysnaa kufsi iyo dil lagula kacay Caasho Ilyaas oo ahayd gabar yar 13 Jir ahayd. Falkan ayaa ka dhacay magaaladda Galkacayo 70 Maalmood ka hor.

Saddex ka mid ah eedaysanayaashii loo haystay Dilka Caa’isha ayaa maxkamadu Dil toogasho ah ku xukuntay, sida uu maxkamada kaga dhawaaqay Guddoomiyaha maxkamada C/nuur jamac Xuseen.

Saddex Nin ayaa kala C/fitaax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige. Saddex nin ayaa xeer ilaalintu ku soo eedaysay inay kufsi wadareed gaysteen, kadibna ay dileen Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabar aan qaangaarin. Waxaa kaloo lagu soo eedeeyay in sumcad xumo u keeneen dowladda Puntland, khalkhalna galiyee amniga guud Puntland.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here