Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay toogasho ka dhacday dalka Mareykanka

Wararkii ugu dambeeyay toogasho ka dhacday dalka Mareykanka

0

Hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay ugu yaraanna ay 22 kale ku dhaawacmeen kaddib marki rasaas oodda loogaga qaaday taageerayaal isugu soo baxay bartamaha magaalada Kansas ee gobolka Missouri ee dalka Mareykanka.

Dadka la rasaaseeyay ayaa u badnaa taageerayaasha kooxda ciyaarta kubbad-tuurka Mareykanka eee Arbacada maanta ah, taageerayaal u dabaal-dagayay guushi ay kooxda Kansas City Chiefs ay todobaadkaan kasoo hoysay Koobka NFL ee Kubad-tuurka Mareykanka.

Taliyaha Booliska magaalada Kansas, Stacey Graves ayaa gelinki danbe ee Arbacadi wariyaasha u sheegtay, in weerarkaasi loo xiray ilaa iyo saddex qof kuwaas oo hadda la baarayo.

Graves waxay sheegtay in aanan wali la ogeyn sababta ka danbeysa weerarka rasaasta loo adeegsaday ee shalay gelinki danbe ka dhacay magaalada Kansas ee dalka Mareykanka.

22 ka qof ee dhaawaca ah ayaa la sheegay in ay ku jiraan ugu yaraan 15 qof oo ay xaaladdooda aad u liidato. Sidoo kale 8 carruur ah la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen toogashada ka dhacday Kansas City.

Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Duqayn Culus oo alshabaab lala Beegsaday
Next articleGanacsade Axmed Tahliil oo lagu Dilay Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here