Home galmudug Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo ka hadlay dilkii loo geestay AUN Khaliif Nuur...

Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo ka hadlay dilkii loo geestay AUN Khaliif Nuur Shiil

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Khaliif Nuur Shiil oo ahaa Taliyihii Ciidanka isku dhafka ah ee xasilinta Magaalada Gaalkacyo,kaasi oo xalay la dhaawacay,kadibna saakay u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Sidoo kale Madaxweyne xaaf ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay
Khaliif Nuur Shiil oo kooxo hubeysan xalay ay toogteen xili uu ka soo baxay Salaadii taraawiixda oo ku soo tukaday Masjid ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa u qornaa sidan:-

Aniga oo ku hadlaya Magacayga kan Gole-yaasha DGGM iyo kan shicibka Galmudug waxaan halkaan Dhambaal tacsi ah uga dirayaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Khaliif Nuur Shiil taliyihii Ciidanka isku dhafka ah ee xasilinta Magalada Gaalkacayo oo ay xalay toogteen kooxo hubeysan xilli uu kaso baxay salaada Tarawiixda.

Shiil wuxuu ahaa shaqsi ku tilmaaman karti, hufnaan iyo daacadnimo waxaana lagu xasuusan doonaa kaalintii uu kulahaa Xisilinta M/ Gaalkacyo oo sanadihii danbe uu ka shaqeynayay.

Dhammaanteen Samir Jamiil ah iyo imaan suubban Alle ha inaga wada siiyo. Janatul fardawsana Alle haku casuumo”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada dilkii xalay loo geystay Khaliif Nuur Shiil oo ahaa taliyihii Ciidanka isku dhafka ah ee xasilinta Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here