Home galmudug Dhamme Khaliif Nuur Shiil oo u geeriyooday dhaawac loogu geestay Gaalkacyo

Dhamme Khaliif Nuur Shiil oo u geeriyooday dhaawac loogu geestay Gaalkacyo

0

Waxaa Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ugu geeriyooday dhaawicii xalay Magaaladaas loogu geystay taliyihii Ciidanka isku-dhafka ah ee Xasilinta ee loo sameeyey Magalada gaalkacyo.

Dhamme Khaliif Nuur Shiil ayaa xalay xilli uu kasoo baxay Masaajid uu kusoo dukaday Salaada Taraawiixda ay kooxo hubeysan dhaawaceen,iyaga oo goobta ka baxsaday,sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Magalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay xaqiijiyeen geerida taliyihii ciidanka xasilinta ee Magalada Gaalkacyo,kaas oo lagu daweynayey mid ka mid ah Isbitaalada Magalada Gaalkacyo.

Ciidamada xasilinta Magalada Gaalkacyo ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay wadeen howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilka taliyihii ciidanka xasilinta ee Magalada Gaalkacyo wallow ilaa iyo hadda aysan jirin dad ay u soo qabteen.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here