Home galmudug Maxaa Ku soo kordhay Shirkii ka Socday Garoowe oo wali leesku Fahmin

Maxaa Ku soo kordhay Shirkii ka Socday Garoowe oo wali leesku Fahmin

1

Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxaa habeenkii Lixaad ku sugan Madaxda maamul goboleedyadda iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya , waxaana ay ka hadlayaan Xaaladda Soomaaliya.

Shantii Bishaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Shirka Wadatashiga Heer Qaran oo  ka furmay magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Raiisul Wasaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan.

Muddo shan maalmood waxaa shirka looga hadlaayay  Cabashada maamulka Galmudug ee ku aadan dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay faragalin ku heyso oo  taageero ay siiso siyaasiyiin kasoo horjeedda Madaxweyne Xaaf.

Madaxweynayeyaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa soo jeediyay in ka hor inta aan lagu guda galin Arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka in la xaliyo tabashadda Maamulka Galmudug.

Kulan Saacaddo badan qaatay oo dhexmaray Farmaajo iyo Xaaf ayaa kusoo dhamaaday Fashil ka dib markii labadda dhinac aysan gaarin wax go’aan ah, waxaana Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in dib loo dhigo arinta Galmudug oo qodobadda kale loo gudbo, waxaana arintaasi si weyn uga soo horjeestay maamul goboleedyadda qaarkood sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Garowe.

Maanta wax shir ah ma uusan dhicin, waxaana socda kulamo gaar ah gaar ah oo u dhaxeeya Madaxda Galmudug, Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan Garowe.

Shirka ayaa waxaa ku furmay Khilaaf labaad oo ka yimid Shaqaaqaddii ka dhacday shalay Garoonka Diyaaraddaha Magaalada Kismaayo ee Musharax Seeraar.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu abaabulay shaqaaqaddii shalay ka dhacday Garoonka Kismaayo ee Askarta lagu dhaawacay.

Wafuudda ka qeyb galeysa Shirka sidda ay warbahinta  u sheegeen Madaxda Dowlad goboleedyadda qaarkood ayaa ku hanjabay in ay ku laaban doonaan degaanadii ay ka yimaadeen hadii Mas’uuliyiinta dowladda aysan muujin furfurnaan iyo in si dhab ah looga wada hadlo arimmaha taagan oo Khilaafka Galmudug uu ugu horreeyo.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani  oo shirka marti galiyay ayaa Saacaddihii ugu dambeeyay xoojiyay dadaalkiisa ku aadan in uusan fashilmin Shirka, islamarkaana wax uun laga soo saaro.

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

  1. Waa Muhiim in la xaliyo Qilaafka Gudaha, Qilaafka u dhaxeeyo Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyadda si xal waara loogu helo Culeyska ka jira dibadda, culeyska soomaaliya kaga soo fool leh ama uga imaan kara Dowladdaha Deriska ah.

    Inta lagu guda jirey shirka Garoowe, waxaa shir kale uu ka dhacey kenya ( Nairobi ) shirkaasi oo aysan soomaaliya goob joog u ahayn, joogina amaba aysan xaadir ku ahayn MIISKA WADA HADALKA. balse arimaha laga hadlayay ama ajandaha shirka uu ku saabsana ama la xiriirey arin quseysa Dalka Soomaaliya.

    Shirkaasi waxa uu u dhaxeeyey Dowladda kenya iyo Dowladda mareykanka, waxaana lagu gorofeeyey ama looga hadley sida ay uga hortagayaan ama ula dagaalayaan Al-shabaab. suuro gal ma tahay in Soomaaliya oo ka maqan miiska in labo dowladdood oo aan Soomali ahayn ay go’aan ka gaaraan, soona saaraan heshiis SAAMEYNTIISA LEH, SUURO GELIN KARANA IN DHIBAATO UU U HORSEEDO SHACAB SOOMAALIYEED, LAGUNA XALAALEYSTO MAALKOODA IYO NAFTOODDA INTUBA.

    Shirkaasi ka dib, natiijadda ugu horeysay ee ka dhalatey waxa ay noqotey ARIN AY SOOMAALIYA XAL KA GAARTEY MAR HORE IN HADANA MEESHEEDII DIB LOOGU NOQDO.. waxa ay kenya go’aanstay mar kale iney joojiso duulimaadkii Muqdisho iyo Nairobi, taasi oo loo badalay mar kale in dadka muqdisho ka baxa ama u socdaala Nairobi ay ku hakadaan Wajeer.

    Waxaa xusid mudan in kenya ama uhuru kenyata uu yimid muqdisho, si uu dowladda soomaaliya kaga codsado iney u ogolaato in QAADKA ay kenya u soo dhoofiso Soomaaliya laga qaado xayiraadda, badalkeedana ay soomaliya hesho in safarka iyo isku socodka labadda dal la fududeeyo. ( MUQDISHO-NAIROBI), LAGANA MAARMO WADADII DHEEREY IYO KU HAKASHADA WAJEER, TAASI OO WAQTI BADAN LOOGA DILO, LAGUNA DHIBO SHACABKA SOOMAALIYEED.

    Waa Muhiim in la xaliyo Qilaafka Gudaha, Qilaafka u dhaxeeyo Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyadda si xal waara loogu helo Culeyska ka jira dibadda, culeyska Soomaaliya kaga soo fool leh ama uga imaan kara Dowladdaha Deriska ah iyo Beesha Caalamka intuba.

    Inta lagu guda jirey shirka Garoowe, waxaa shirar kale uu ka dhacey kenya ( Nairobi ) shirkaasi oo aysan soomaaliya goob joog u ahayn, joogina amaba aysan xaadir ku ahayn MIISKA WADA HADALKA. balse arimaha laga hadlayay ama ajandaha shirka uu ku saabsana ama la xiriirey arin quseysa Dalka Soomaaliya.

    Shirkaasi waxa uu u dhaxeeyey Dowladda kenya iyo Dowladda Mareykanka, waxaana lagu gorofeeyey ama looga hadley sida ay uga hortagayaan ama ula dagaalayaan Al-shabaab. Suuro gal ma tahay in Soomaaliya oo ka maqan miiska in labo dowladdood oo aan Soomaali ahayn ay go’aan ka gaaraan, soona saaraan heshiis SAAMEYNTIISA LEH, SUURO GELIN KARANA IN DHIBAATO UU U HORSEEDO SHACAB SOOMAALIYEED, LAGUNA XALAALEYSTO MAALKOODA IYO NAFTOODDA INTUBA.

    Shirkaasi ka dib, natiijadda ugu horeysay ee ka dhalatey waxa ay noqotey ARIN AY SOOMAALIYA XAL KA GAARTEY MAR HORE IYO HESHIIS KENYA LALA GALAY 2 SANO KARO IN CIRA LOO LAALO, LAGANA DHIGO MID WAXBA KAMA JIRAAN AH.

    Waxa ay kenya go’aanstay mar kale iney joojiso duulimaadkii Muqdisho iyo Nairobi, taasi oo loo badalay mar kale in dadka muqdisho ka baxa ama u socdaala Nairobi ay ku hakadaan Wajeer.

    Waxaa xusid mudan in kenya ama uhuru kenyata uu yimid muqdisho, si uu dowladda Soomaaliya kaga codsado iney u ogolaato in QAADKA ay kenya u soo dhoofiso Soomaaliya laga qaado xayiraadda, badalkeedana ay soomaliya hesho in safarka iyo isku socodka labadda dal la fududeeyo. ( MUQDISHO-NAIROBI), LAGANA MAARMO WADADII DHEEREY IYO KU HAKASHADA WAJEER, TAASI OO WAQTI BADAN LOOGA DILO, LAGUNA DHIBO SHACABKA SOOMAALIYEED.

    Shirarka is daba socda ee ku saabsan Soomaaliya, balse aysan Soomaaliya goob joog u ahayn waa kuwo leh saameyntooda, loona baahan yahay in LAGU BARAARUGSANAADO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here