Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaranka iyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaranka iyo Qodobo Muhiim ah oo looga Hadlay(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaranka.

Shirkaas ayaa looga hadlay tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho oo si gaar ah loogu gorfeeyey shirkaan.

Sidoo kale madaxda amniga qaranka waxay shirkaan uga hadleen dib u dhiska ciidamada qaranka oo hadda meel fiican soo gaartay.

Arrimaha kale ee diiradda la saaray waxaa ka mid ah xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada iyo qorshaha Soomaaliya.

Sidoo kale masuuliyiinta amniga qaranka Soomaaliya waxay shirkaan uga tashanayeen nooca warbixinta la hor geynayo shir ay dhawaan dowladda Soomaaliya la yeelan doonto Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Shirkaas waxaa looga hadlayaa amniga Soomaaliya, gaar ahaan hanaanka ay dowladda Soomaaliya ula wareegeyso amniga qaranka.

Guddiga Amniga Qaranka oo warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeynayaan laamaha amniga.

Sidoo kale waxaa lagu dhiirrigeliyey Ciidanka Booliska ee u tababaran sida Milatariga dadaalka habeen iyo maalinta ah ee ay u bixinayaan amniga caasimadda.

Guddiga Amniga Qaranka ayaa bogaadiyay guulaha taariikhiga ah ee geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan xoreynta deegaanno badan oo ka tirsan Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, waxay adkeeyeen abaabulka iyo dhammeystirka wajiga 1-aad ee howlgalka oo horseedaya in laga sifeeyo Khawaarijta deegaannada ay kaga harsan yihiin Hirshabeelle iyo Galmudug.
Ad
Previous articleMas’uuliyiintii ugu badnaa oo maanta isugu tegeen magaallo xeebeedka Cadale
Next articleGudiga Doorashooyinka Puntland oo go’aan cusub kasoo saaray doorashada Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here