Home Wararka Maanta IMF oo Digniintii ugu Danbaysay usoo Dirtay Dowlada Soomaaliya

IMF oo Digniintii ugu Danbaysay usoo Dirtay Dowlada Soomaaliya

0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa Isniintii soo cusbooneysiisay digniinteeda ku aadan in maal-gelinta Soomaaliya la jari dooni haddii dowladda Soomaaliya ay sii waddo in dib loo dhigi doorashooyinka.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa dib u dhacay in ka badan, waxaana 26-kii Febraayo ay Golaha Wadatashiga Qaran waqti cusub u qabteen dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, waqtigaas oo ah 15-ka Maarso.

“Xal waqtiyeysan oo loo helo hubanti la’aanta siyaasadeed iyo in si guul leh loo soo geba-gebeeyo doorashada waxay muhiim u tahay in la weeciyo hakad ku yimaada barnaamijka ay taageerto IMF,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tiri IMF kadib wada-hadallo ay la yeelatay mas’uuliyiinta Soomaaliya oo ku dhacay hab fogaan arag ah.

Barnaamijka IMF ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dib u eegis lagu sameeyo bartamaha bisha May, waxaana jirta cabsi ah in kahor xilligaas aanay Soomaaliya heli doonin maamul cusub oo taageera isbeddelada la qorsheeyey.

Muddo xileedkii afarta sano ahaa ee madaxweyne Farmaajo ayaa dhacay bishii Febraayo ee 2021, hase yeeshee doorashooyinkii ayaa dib u dhacay kadib markii uu isku dayey muddo kororsi fashilmay.

Ad
Previous articleMuuse Biixi “Soomaaliya haddii dagaal ay ka maarmi waydo Cashar baan u dhigaynaa”.
Next articleTirada Dadka Shacabka ah Ukrain uga Dhimatay Dagaalka Ruushku Soo Qaaday oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here