Home galmudug Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Xaaf oo Xalay ku kulmay Magaalada Garoowe...

Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Xaaf oo Xalay ku kulmay Magaalada Garoowe ( Sawiro )

0

Raisul Wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali  Kheyre ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Garoowe, kula kulmay Madaxweynaha mamaulka Galmuudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo qaar kamid golaha wasiiradiisa.

Xaaf ayaa ka mid ah qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ee khilaafka xoogan uu kala dhexeeyo dowlada federaalka.

Kulankan ayaa gogol-xaar u ahaa habkii xal waara loogu heli lahaa khilaafka Galmudug iyo dowlada dhexe sida ay sheegeen xubno ka tirsan maamulka Galmudug.

Khayre ayaa illaa shalay ka waday magaalada Garoowe kulamo uu la yeelanayey qaar ka mid ah madaxda dowlada goboleedyada ee ka qeyb galaya shirka Garoowe.

Madaxda Sare ee dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ku wada sugan magaalada Garoowe, iyagoo ka qeyb galaya shir wada tashi ah oo halkaas uga furmaya maanta kaasoo looga hadlayo xaalada dalka iyo xalinta khilaafaadka jira.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here